“Milateriga Soomaaliya iyo Xasan Sheekh malaha awood ay ku maamulaan Muqdisho..”

0
2052

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka Itoobiya General Birhanu Jula oo waraysi siiyay telefishinka qaranka Itoobiya, ayaa wuxuu eedayn culus u jeediyay maamulka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Itoobiya, ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay inay Soomaaliya ku tiirsan tahay taageerada ciidamada Itoobiya ee sugidda amniga.

General Jula, ayaa sheegay in Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo Hogaankooda oo uu ugu horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayna lahayn awood ay ku maamulaan Magaalada Muqdisho, isagoona tilmaamay in joogitaanka Ciidamada Itoobiya ay tahay mid u saamaxeysa maamulka Soomaaliya inay gacanta ku dhigto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

General Jula, oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka ballaadhan ee Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay gacanta ku hayaan ku dhawaad ​​60% dhulka Soomaaliya.

Waxaa uu ka digay in haddii ayna helin taageerada Ciidamada Itoobiya ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay la kulmi doonto khatar ah in Muqdisho ay ku lumin karto kooxda Al-Shabaab.

Hadalka Jeneraalka, ayaa daba socda howlihii uu hore u joogay Soomaaliya, isagoo ka soo shaqeeyay gobollo muhiim ah sida Bay, Bakool iyo Galgaduud intii u dhaxeysay 2010 illaa 2013, isagoo khibrad u leh xaaladda dhulka.

Wareysiga, ayuu sidoo kale ku soo qaaday Nafhurnimada Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, isagoo General Jula uu soo hadal qaaday khasaaraha lixaadka leh ee ka soo gaadhay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Generalka, ayaa wuxuu ku nuux-nuuxsaday sida ay Itoobiya uga go’an tahay xaqiijinta ammaanka gobolka.

Hadalkiisa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda diblomaasiyadeed, oo ay qayb ka tahay heshiiska dhinaca badda ee Itoobiya ay dhawaan la gashay Somaliland.

Hadaladan ka soo yeedhay General Jula, ayaa muujinaya dhaq-dhaqaaqa juqraafiyeed ee cakiran iyo ku lug lahaanshaha milateri ee Itoobiya ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here