Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Guddida ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa waxaa uu jagadan ka bannaanaatey Guddida ururrada siyaasadda u dhaariyay Siciid Axmed Cabdikariin Maxamuud, oo ka mid noqonaya xubnaha Guddida.
Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maxkamadda Sare u soo gudbiyay codsi ay ku dalbanayaan, in Siciid Axmed Cabdilaahi loo dhaariyo jagada.
Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, ayaa waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
Jagadan xubinta Guddida ururrada siyaasadda, ayaa waxaa dhawaan baneeyay masuul lagu magacaabo Mukhtaar Cabdi Jaamac.