Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodijeex ayaa mar kale galabta soo saartay amar kale oo ay dib xayiraadii isla maanta laga qaaday ugu riday wargeyska madax banaan ee Foore.
Waraaqdan amarka xayiraadda ah ayaa imanaysa saacado uun ka dib markii ay maanta gelinkii hore maxkamadda Racfaanka Maroodijeex shaacisay in ay xayiraadii saarnayd todobadda bilood ka qaaday wargeyska Foore.
Waxaanay maxkamadda Racfaanku xayiraadan danbe ee ay galabta soo saartay la socod siisay hogaanka baadhista CID, xafiiska xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex, wasaaradda warfaafinta iyo ururka SOLJA in ay dib u xayirtay inta xukun kama danbays ahi ka soo baxayo, iyadoo u cuskatay xayiraadaasi qodobka 101.
Iyadoo sidoo kale-na ku amartay madbcadaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in aanay daabici karin wargeyska Foore.
Amarkan xayiraadda ah waxaa ku saxeexnaa ku-simaha guddoomiyaha guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex Maxamuud Jaamac Cigaal.
Waraaqda amarka dib u xayiraadda ay maxkamadda gobolka Maroodijeex ku soo rogtay wargeyska Foore oo nuqul ka mida ay heshay shebekadda wararka ee Hargeisa press, waxay u qornayd sidan:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.