Maxkamadda Maroodijeex oo Xukunno Ku Riday Ragg Ka Ganacsanayay Harimacadyo

0
735

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex, ayaa waxaa ay xukunno iyo ganaax lacageed ku riday shan nin oo si sharci darro ah uga ganacsanayay Harimacadyo.

Shantan nin ee ay maxkamadu xukuntay, ayaa hore loogu soo qabtay degmadda Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh.

Kuwaa soo 19-kii bishan April ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo kaashanaysay ciidamadda booliska ayaa lagu soo qabtay sagaal xabadood oo xayawaanka Harimacadka ah.

Harimacadkaasi oo ay doonayeen in ay si qarsoodi ah dalka uga dhoofiyaan, iyo laba baabuur oo ay ku siteen Harimacadyadaasi.

Shanta nin ee maxkamadda gobolka Maroodijeex xukunka ku riday oo mid ka mid ahi uu maqane ahaa ayay maxkamadu midkiiba ku xukuntay 1 sanno iyo 3 bilood oo xadhig ciqaabeed ah, iyo 3 milyan oo ganaax maaliyadeed ah.

Waxaana lacagtaasi lagu shubayo khasnadda dawladda, isla markaana haddii ay bixin waayaan loogu bedelayo xadhig ciqaabeed ah u dhigma, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Sidoo kale, waxay maxkamaddu ganaaxday labadii baabuur ee ay xukunsaneyaashu ku sideen Harimacadka midkiiba 1 Milyan oo ganaax Maaliyadeed ah.

Maxkamadda, ayaa sidoo kale wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ku wareejisay 6 xabadood oo Harimacad ah, Lixdaasoo ka noolaa sagaalkii xabadood ee Harimacadka ahaa ee lagu soo qabtay xukunsanayaasha, si loo xanaaneeyo, loona daryeello.

Dhinaca kale, xukunka maxkamadda waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/kariin Aadan Cadde, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi C/naasir Xuseen Siciid.

Waxaanay agaasimaha guud iyo masuuliyiinta la socday maxkamadda gobolka Maroodijeex uga mahad celiyeen xukunka ay ku riday raggaasi lagu soo qabtay iygaoo si sharci darro ah uga ganacsanayay Harimacadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here