Maxay ka wadahadleen Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa?

0
1181

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa maanta waxaa uu xarunta wasaaradda arrimaha dibedda uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamed Axmed Sulub.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa waxaa kullanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Cabdiraxmaan.

Waxa kullankaasi lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Jaamacadda Hargeysa.

Masuuliyiinta labada dhinac, ayaa waxaa ay isla soo qaadeen sidii loo kobcin lahaa Mac’hadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, kaas oo ay martigelisay oo haatan ku hawl-gala xarunta Jaamacadda Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here