Maxay ka wadahadleen Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Safiirka Denmark?

0
1819

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xubnaha Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xafiiskooda ku qaabileen wefti ballaadhan oo ka socda dalka Denmark.

Weftiga ka socda dalka Denmark, ayaa waxaa hoggaaminayay Safiirka dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen.

Waxana safiirka kulanka ku wehelinayay Madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mr. Mathias Kjaer iyo sarkaal ka tirsan Safaaradda.

Guddidda Doorashooyinka Somaliland iyo weftiga Safiirka Denmark, ayaa waxay ka wadahadleen halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka isku sidkan ee 13ka Novermber ee dalka ka qabsoomaya.

Safiirka dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen, ayaa Guddida Doorashooyinka Somaliland ku amaanay  sida ay ugu diyaar garoobeen doorashada.

Markii shirku soo dhammaaday, Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Safiirka, ayaa soo kormeeray bakhaarka lagu diyaarinayo agabka codbixinta  doorashada lagu galayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here