Maxay Ka Wada Hadleen Weftiga Ka Socday Eritre Iyo Madaxweynaha Somaliland?

0
1009

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ereteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horrayn waxa weftiga gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada arrimaha dibadda iyo horumarinta maaliyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Fara-toon) iyo Sacad Cali Shire, waxana ay usoo gelbiyeen dhinaca qasriga madaxtooyada, halkaas oo si diirran  uu ugu qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay weftiga ka socda dalka Eriteriya ee uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, waxana uu kulankaas oo is xogwaraysi ahaa uu qaatay muddo saacado ah.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada weftiga ka socda dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen.

Ugu horrayn wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda dalka Somaliland, islamarkaana  ay madaxweynahoodii ku celin doonaan  xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki,  si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxana uu noo sharraxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aannu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa xusay in madaxweynaha iyo weftiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi  iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.”

Weftiga ka socda dalka Eriteriya ee soo gaadhay Somaliland, ayaa daba socda wufuud caalami ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey Somaliland imanayey, kuwaas oo markhaati u ah sida dalka Jamhuuriyadda Somaliland usoo jiitay indhaha beesha caalamka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY