Sida cad ee aanay ku jirin jacayl iyo nacayb midna, safarkaasi waa gogol-xaadh Ethopia laba arimood ku doonayso; Kow in heshiiskii badda la dhamaystiro iyo in ciidamada nabad ilaalinta Somalia u jooga ay ethopia qaybteeda ku lahaato. Ethopia intaas ayaa safarkeedu daaran yahay.
Somalia iyaga waa sidee!
Somalia waxaa ku dhacay jaahwareer siyaasadeed oo moodiyey maxay rabaan, maxaa xun, maxaa dana, xagaynu u soconnaa iyo halkee baynu ka nimi. Siyaasad si runa marka aad u eegto aad moodo sidii laba islaamood oo inta ay laba caday oo dhaadheer soo qaateen, kaabadda guriga iskaga waraysanaya siyaasadda aduunka oo candhuufada isku ag tufaya.
Sidaa waxa aan u leeyahay, shalatoole markii Somaliland heshiiska la galaysay Ethopia oo dan weyni ugu jirtay arintaas, siyaasiga Somalia waxa uu si aan qaangaadhnimo ka muuqan uga hadlay arintaas iyo foolxumadeeda, iyada oo gaadhey heer kasta oo bulsho iyo in Ethopia la dhaho waa cadawgeena 1aad. Shacabku waa shacab laakiin siyaasiga ayay ahayd in uu fahmo in siyaasaddu tahay dano maalin’ba meel jooga, oo aany muhiim ahayn in sida maatida loo hadlo.
Maanta oo Ethopia doonistii shalay wadato iyo weliba dheeraad, waataase Xamar maxay ku bedelenaysaa oo dan ah? Miyaanay la mid ahayn, inantii guurka kula heshiisay ninka ee inta ay mid kale dabada faydatay tidhi ” waxa aad rabtaa miyaanay hoos uun ahayn, dee tan’ba ku qabo ” iyada oo xaasidaysa mid gudaheeda caruur ku doonaysa.
Isku soo wada duuboo, siyaasadda Xamar taala kama duwana nin waalan oo qoys WAALI! looga dhigay.
Deeqhoodaale.
Hargeysa,Somaliland