Maxamuud Xaashi, muxuu ka yidhi siideynta Xildhibaan Maxamed Abiib?

0
1561

Hargeysa (Hargeisa Press)- Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ah Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Kaah, ayaa ka hadlay sii deyntii Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo maanta xabsiga laga sii daayay, waxaanu sheegay in uu soo dhawaynayo sii deynta Xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo 30 maalmood ah ku xidhnaa xabsiga Mandheera, ayaa maanta si rasmi ah u helay xorriyaddiisa kadib amar ay soo saartay Maxkamadda sare ee Somaliland, iyadoona amartay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaanka.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi qoraal ka soo saaray sii daynta Xildhibaanka, ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo in la sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib.

Wuxuu sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib si sharci-darro ah u xidhnaa muddo bil ah, iyadoo aan loo marin buu yidhi nidaamka sharciga iyo cadaaladda.

Hase yeeshee, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qaraarka Maxkamadda Sarre ee Somaliland ka soo saartay xadhigga Xildhibaanka ku tilmaamay guul u soo hoyatay sharciga iyo dimuqraadiyadda.

“Waxa aan soo dhoweynayaa sii deynta Xildhiban Maxamed Abiib Yuusuf, oo ka mid ah kaadirka Urur Siyaasadeedka KAAH, oo si sharci-darro ah u xidhnaa muddo bil ah, iyadoo aan loo marin nidaamka sharciga iyo cadaaladda. Qaraarka Maxkamadda Sare JSL waa guul u soo hoyatay sharciga iyo dimuqraadiyadda.” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in aanu jirin qof xaqiisa iyo xorriyaddiisa laga qaadi karo iyada oo aan loo marin buu yidhi habka saxda ah ee sharciga, gaar ahaan masuuliyiinta xasaanada leh ee loo doortay inay u adeeggaan shacabka.

Wuxuu xusay in uu rajaynayo in ay tani noqoto xusuus muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadda muwaadiniinta oo dhan, isagoona hay’adaha garsoorka faray in ay ka feejignaadaan in xadgudubyada noocan oo kale ahi aanay mar kale dhicin.

“Ma jiro qof xaqiisa iyo xorriyaddiisa laga qaadi karo iyada oo aan loo marin habka saxda ah ee sharciga, gaar ahaan masuuliyiinta xasaanada leh ee loo doortay inay u adeeggaan shacabka. Waxaana rajeynayaa in tani noqoto xusuus muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadda muwaadiniinta oo dhan. Sidoo kale, waa in haayadaha garsoorku ay ka feejignaadaan in xadgudubyada noocan oo kale ah aanay mar kale dhicin.”

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa boggaadiyay dhamaan dedaaladii loo galay wuxuu ugu yeedhay soo celinta cadaaladda, wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay Maxkamadda Sarre ee dalka, Xildhibaanada iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada.

Wuxuu sheegay in Maxamed Abiib aanu ahayn siyaasi iyo xildhibaan qudha, ee uu yahay hoggaamiye iyo dirane u dhaq-dhaqaaqa xorriyadda iyo xuquuqda ummadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan bogaadinayaa dhammaan da’daalladii loo galay soo celinta cadaaladda, si gaar ah waxa aan  u bogaadinayaa Maxkamadda Dastuuriga ah ee go’aanka XAQA ah, soo saartay. Sidoo kale waxa aan u mahadcelinaya Xildhibaanada iyo Shirguddoonka Golaha Wakiilada oo kaalintoodii ka geystay in xildhibaanku xorriyadiisii haysto.

Maxamed Abiib maaha siyaasi iyo xildhibaan qudha, ee waa hoggaamiye iyo dirane u dhaq-dhaqaaqa xorriyadda iyo xuquuqda ummadda.” ayuu yidhi Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here