Maxakamadda Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Maanta Bilawday Hawlaheeda Go’aankii Madaxweynuhu U Gudbiyay

0
784

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maxakamadda Dastuuriga ah ayaa maanta bilaabaysa hawsha dacwadii madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay ee ahayd ka gar niqidda muranka wakhtiga doorashada Somaliland.maxakamadda sare ayaa dhinacyada doorashadu khusayso ee Somaliland ka dhegaysanaysa aragtiyahooda.

Bishii May-11-2015-Mudaneyaasha Guurtida Somaliland, ayaa Muddo xileedka u kordhiyay Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo golaha wakiillada, kuwaasi oo jideeyay in doorashadu dalka ka dhacdo March-2017, balse go’aankaasi mucaaradka ayaa ku gacansaydhay.

 

Muranka muddo kordhinta ka dhashay wada hadal laga galay ayaa isla bishii May-27-2015-Saddexda Xisbi qaran iyo Xukumadda Somaliland  heshiis ku gaadheen in doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada la qabto 15-ka bisha December ee sanadka 2016-ka, waxaanay  isla garteen in laga noqdo  go’aankii golaha guurtida ee ahaa in doorashada la qabto sanadka 2017-ka, balse go’aankaasi ayay guurtidu ku gacansaydhay.

 

Si murankaasi looga baxo ayaa Madaxweynaha Somaliland sideedii bishan August wuxuu maxakamadda sare u gudbiyay warqad uu kaga dalbaday inay tafsiir sharci ka bixiso labadaasi go’aan ka sax noqonaya ee dalka doorasho laga qaban doono.

 

Maxakamadda Sare ayaa arrintaasi maanta bilawday, waxayna kulankii u horaysay xarunteeda kula qaadatay Hogaanka saddexda xisbi oo ay ka dhegaysanaysay aragtidooda go’aammadan ku aadan, iyagoo asxaabtuna kalsooni ku siiyay Maxakamadda go’aanka ay ka gaadhi doonto arrintan.

 

Maxakamadda sare ayaa sidoo kale la filayaa inay guurtida la kulanto Khamiista, halka sabtidana la rajaynayo inay Komishanka arrimahan kala xaajoodaan. Waxaa sidoo kale la filayaa inay dhammaan daneeyeyaasha gudaha ee arrimaha doorashada wax ka waydiiyaan arrimahan si ay ugu saleeyaan go’aankooda sharci ee laga filayo maxakamadda dastuuriga ah.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here