Fadhi Ay U Balan Sanaayeen Golaha Degaanka Gabiley Oo Baaqday

0
696

Gabiley (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Gabiley ayaa la sheegay in uu baajiyay fadhi ay yeelan lahaayeen xildhibaanadda golaha degaanka, kadib markii uu bur-buray heshiisiin xildhibaanadda dhexdoodda ahayd.

Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa sababta uu fadhigaas u baajiyay ku tilmaamay in uu fashilmay kulan uu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo maayarka Gabiley iyo qaar ka mida xildhibaanadda oo khilaaf soo kala dhex galay.

Badhasaabka oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Gabiley kadib markii fadhigaasi uu joojiyay waxa kaloo uu sheegay in xubno ka tirsan xildhibaanadda uu khilaafku ka dhexeeyo maayarka in ay kaga baxeen kulankii loo balan Sanaa.

Halkan Ka Daawo badhasaabka Gabiley Oo Amuurahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here