Maxaa Ka Jira In La Bilaabay Qorista Shaqaalaha Madaarka Berbera?

0
1807

Berbera (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi, ayaa beeniyay warar sheegaaya in la bilaabay qorista shaqaalihii cusbaa ee garoonka diyaaradaha ee magaaladda Berbera.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in aanay jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ku saabsan shaqaalihi cusbaa ee loo qaadanayay madaarka caalamiga ah ee Berbera.

Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in warar ku tiri ku teen ah ay faafiyeen qaar ka mid ah shabakadaha Internetku, waxaana tilmaamay in aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda isla markaana weli la sugayo shaqaalaha cusub ee loo qaadanayo gegida diyaaradaha.

Geesta kale, waxa uu sheegay guddoomiyuhu in aanay jirin wax iska baddalay go’aankii ahaa in la soo xayaysiiyo shaqaalaha cusub ee madaarka Berbera.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa waxaa uu dhalinyarada ugu baaqay inay sugaan inta la soo xayaysiinayo shaqada cusub ee madaarka.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in shabakadaha internetku ay ka taxaddaraan waxay qorayaan isagoo xusay in sharciga la horkeeni doono dadka fidinaya wararka ku tiri ku teenka ah ee bulshada qaska gelinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here