Muqdisho (Hargeisa Press) – Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa qoray warar ku saabsan in Kenya iyo Soomaaliya ay heshiis ka gaadheen khilaafkii arimaha muranka Badda ee u dhexeeyay labada dhinac.
Wargeyska The Star, ayaa sheegay inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaysa saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxeexo magaaladda Doha ee dalka Qatar, sida uu sheegay wargeysku.
Geesta kale, ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guulled, ayaa beeniyay warka Wargeyska The Star ee ku saabsan in Kenya iyo Soomaaliya ay heshiis ka gaadheen khilaafka muranka badda.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka, ayaa warkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Wuxuuna sheegay inay Soomaaliya sugayso go’aan caddaalad ah oo ka soo baxa maxkamada ICJ oo bishii march soo gabagabaysay dhegaysigii dacwadda badda.