Masuuliyiintii U Saraysay Jibriga Cashuuraha Ee Jigjiga oo Xabsiga La Dhigay

0
683

Jigjiga (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay Masuulkii u sareeyay Jibriga Cashuuraha laantiisa Jigjiga oo lagu magacaabo Axmed Maxamed iyo ku xigeenkiisii oo la yidhaahdo Cabdiwaaxid Cabdullaahi.

Xadhiga labadan Mas’uul ayaa sabab looga dhigay arrimo la xidhiidha Kootarabaan iyo Musuq sida ay sheegtay Xeer ilaalinta guud ee fadaraalka.
Axmed Maxamed ayay Ganacsatada degaanku ku sheegaan in uu ahaa nin aad ugu dhiba Ganacsatada alaabtooda xilliga ay Jibriga ku jirto.
Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Waan Idiin Soo Gudbin Doonaa…

Hargeisa Press.com/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here