Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Kulamo La Yeeshay Weftiyo Caalami Ah

0
733

Hargeysa (Hargeisa Press)- Masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa maanta qaabilay saraakiil ka kala socday laba haayadood oo caalami ah.

Labadan kulan ayay madaxda wasaaradu la kala yeesheen madax ka socday haayadda caalamiga ah ee Oxfam Internation iyo xarunta Geneva International Centre.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda waxaa madaxdaasi ku qaabilay wasiirka Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed C/laahi Ducaale.

Kadib markii kulamadaasi ay soo dhamaadeen waxaa warbaahinta uga warbixiyay arrimihii lagaga wada hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale.

Waxaanu sheegay in weftiga ka socday OXFAM ay hogaaminaysay agaasimaha guud ee hayadaasi ee Afrika, oo ay wehelinayeen xubno kale oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka Afrika ee OXFAM, iyo madaxa OXFAM u qaabilsan Somaliland.


Maxamed C/laahi Ducaale, oo arrimaha kulankaasi ka warbixinayayna waxa uu yidhi “U jeedadda ugu muhiimsan ee ay weftigani Somaliland u yimaadeen waxay ahayd, iyadoo la diyaarinayo barnaamijka iyo qorshe istaraatijiyadeedka haayadda OXFAM, ee sanadaha soo socda.

Anagu na maanta (shalay), waxaanu u soo bandhignay shaqadda weyn ee ay hayso wasaaradda Deegaanka Somaliland. Waxaanan uga waranay caqabadaha iyo dhibaatooyinka ka taagan deegaanka Somaliland, iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay in ay adduunka la kaashato” ayuu yidhi Maxamed C/laahi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu warbixin ka siinay, uga na mahad naqnay shaqadda ay OXFAM ka qabatay Somaliland.

Iyadoo laga duulayo qorshaha qaranka ee Somaliland waxyaabaha muhiimada u ah wasaarada Deegaanka sanadaha soo socda, oo ay koow ka tahay in dadkeenu ay adkaysi u yeeshaan arrimaha isbedelka cimiladda, iyo qorsheyaasha guud ee wasaaradda uga yaalla.

Waxay iyaguna dhinacoodda aad ula dhaceen sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay in wax lala qabto, iyo xasiloonida dalkeena ka jirta. Iyagoo goboladda dalka soo mari doona”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay shirka dhawaan ka dhici doona dalka Kenya, ee la yidhaahdo Africa Climate Summit Action, oo isna ah shir muhiim ah, oo dawladaha Afrika oo dhami isugu imanayan.

Kaasoo la isaga waraysan doono sida uu wadan walba dhibaatooyinka isbedelka cimiladda u xaliyo, iyo sida uu wax uga qabto, iyo qorsheyaasha uga yaalla”.



Dhinaca kala agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland waxa uu ka warbixiyay kulan kale oo ay isla shalay la yeesheen xarunta Geneva International Centre.

Waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu qaabilnay wefti kale oo ka socday XARUNTA Geneva International Centre, oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan haayadda Hello Trust, waxay indho indheeyeen xidhiidhka ka dhexeeay meelaha ay Hello Trust miinada ka saartay, iyo sida ay bulshadda xoolo dhaqatadu adkaysi ugu leedahay dhibaatooyinka isbedelka cimiladda”.

DAAWO: Warbixintii Agaasimaha Guud:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here