“Abaalkiina ma gudi karo ciidanka Dab-demiska ee Hargaysa nooga yimid…”

0
564

Jig-jiga (HP): Maayarka magaalada Jigjiga ayaa si weyn uga mahad naqay kaalintii ay ciidanka Dab-demiska JSL ka qaateen Dabkii dhawaan baabiiyay suuqii Taiwan ee magaalafda Jig-jiga.

Eng. Siyaad Cabdi Axmed, maayarka Jig-jiga oo warbaahinta kula hadlay isagoo taagnaa goobtii suuqii Taiwan, ee magaaladda Jig-jiga ee uu Dabku baabiiyay ayaa guud ahaanba xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay sidii ay ugu soo gurmadeen.
Waxaanu yidhi, “Dabkii halkan ka kacay, oo Dab weyn oo musiibo ahaa, dhibaato aad u weyn ayuu gaystay. Dhamaanba cidii ka qayb qaadatay deminta Dabkaasi waan u mahad naqaynaa. Sida Dab-demiska magaaladda Jig-jiga, iyo haayadaha amnigaba.

Sidoo kale waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa walaalahayaga Somaliland ee xalay saq dhexe ah nooga yimid magaaladda Hargaysa, oo uu ugu horeeyo maayarka Hargaysa.

Sidoo kale ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaanu u mahad naqaynaa, oo dhibaatadda na la qaybsaday. Iyagoo noo keenay gaadiidka Dab-demiska, iyo ciidankii deminta Dabka u tababarnaa, oo deminta Dabkaasi qayb libaax ka qaatay. Iyaga na aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa”.

Sidoo kale maayarka magaaladda Jig-jiga Eng. Siyaad Cabdi Axmed, ayaa ku nuux nuuxsaday sida qiimaha leh ee ay Somaliland ugu soo gurmatay.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Abaalkiina ma gudi karo. Abaal wanaagsan ayaanad noo gasheen. Waxaanan leenahay ciidanka Dab-demiska ee Hargaysa nooga yimid, shaqadaa aad qabateen, iyo Dabkaa aad demiseen ILLAAHAY SWT ajar baad kaga helaysaan. Waana abaal aanu idiin hayno. Aad iyo aad na waanu idiinku mahad naqaynaa”.


Dhinaca kale maayarka Jig-jiga waxa uu tilmaamay in ay ka xukuumad ahaan wax kasta la garab taagan yihiin dadkii hantidoodu ku gubatay suuqa Jig-jiga.

“Shacabkii Dabkan khasaaruhu ka soo gaadhay, dhibka waanu la qayb sanaynaa, musiibo ayaana ku dhacday. Wax alla wixii la idin la qaban karo na, waan idin la qabanaynaa” ayuu yidhi maayarka magaaladda Jig-jiga.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here