Mashruuca Xoolaha ee Geeska Afrika oo laga daah-furay Somaliland

0
1454

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland laga daah-furay Mashruuca Xoolaha ee gobolka Geeska Afrika ee marin ganacsiyeedka xoolaha ee Tog-wajaale.

Munaasibada lagu daah-furayay mashruucan xoolaha, ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, Hay’addaha mashruucan ku lugta leh, shirkada ka shaqeeya calafka xoolaha iyo marti sharaf kale.

Mashruucan, ayaa xooga lagu saarayaa horumarinta Xoolaha oo laf dhabarta u ah bulsho badan oo afartaasi wadan degta, waxanu bulshada ka caawinayaa sidii ay heli lahaayeen fursado badan oo kobcinaya ishooda dhaqaale.

Mashruucan oo wadanka Switzerland maalgelinayo, ayaa ka socda afar dal oo ay ka mid yihiin Somaliland, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaanu mashruucani si gaar ah ugu waajahan yahay marin ganacsiyeedka ay wadaagaan afartaasi dal, iyadoona ay qayb ka yihiin Hay’addaha Mercy Corps oo mashruucan hoggaamineysa, Helvetas, Welt-hunger iyo IGAD.

Mashruucan, ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona 5, 400 oo qof (shankun iyo afar boqol), oo isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanu soconayaa muddo 12 sanno ah.

Wasiirradii ka qayb galay mashruucan, ayaa waxa ay ugu dambayn kormeer ku sameeyeen bandhiga wax soo saarka calafka xoolaha iyo xarumaha maalgeliya wax soo saarka xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here