Laascaanood (HP): Qaybtan oo ah qaybtii saddexaad, ee warbixino taxane ah oo aan kaga hadalnay mashaariicdii ugu waaweynaa ee dhinaca horumarka ee sannadkii tegay ka hirgalay gobolka Sool.
Waxaan ku soo qaadan doonaa waxyaabaha laga qabtay arrimaha ilaalinta degaanka iyo ka hor taga xaalufka iyo Dhuxulaysiga, carwadii bandhiga buugaagta Laascaanood, Ciyaaraha, Dayac-tirka iyo dhismaha Waddooyinka.
Banaynta Waddooyinka magaaladda Laascaanood, mashruucii weynaa master plan-ka, horumarinta Waxbarashadda iyo tiradda dugsiyadda la dhisay, xoolo tiradoodu gaadhayso hal milyan iyo dheeraad neef oo la tallaalay iyo qodobo kale.
ILAALINTA DEGAANKA IYO KA HOR TAGA XAALUFKA IYO DHUXULAYSIGA:
Degaanku waa Udub-dhexaadka ay nolosha dadku ku tiirsan tahay, waxaana dhibaatooyinka degaanka haysta ka mida xaalufinta, nabaad-guurka dhirta iyo is-bedelka cimiladda guud ahaanba caalamka.
Waxaanay wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland sanadkii tegay ee 2019-ka gobolka Sool ka fulisay hawl gallo lagu joojinayay xaalufinta dhirta oo gaadhaya ilaa 35 hawl gal.
Hawl galadaasi oo lagula dagaalamayay kooxo jarayay dhirta kadib na Dhuxul ka dhigaya. Waxaana dib loo beeray in ka badan 3500 oo geed. Kuwaasoo badi lagu beeray degaamadii ay kooxaha Dhuxulaysatadu dhirta ka jareen.
Waxa kaloo degaamadda laga qabtay tababaro iyo wacyigelino, la xidhiidha xaalufinta lagu hayo dhirta.
Waa kan isu-duwaha wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ee gobolka Sool Jaamac Maxamuud Xaaji Saalax, oo ka hadlayay waxyaabihii ay dhinaca degaanka ka qabteen sanadkii tegay ee 2019-ka.
“Sanadkii dhamaaday ee 2019-ka, waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay. Waxaana ka mida, xagga degaanka wax baanu ka qabanay, xaalufka iyo duur joogta, labada ba wax baanu ka qabanay. Dhiraynta wax baanu ka qabanay, soo celinta dhulka la qabsaday wax baanu ka qabanay.
Ilaa 35 meelood ayaanu ka hawl galnay. Waxaanu bur-burinay Dhuxul aad u fara badan, oo dhulka qaar laga shiday. Waxaanu soo celinay dhul la deegaameeyay, oo ilaa shan goobood ahaa. Dad badan oo Ugaadh laayay, waanu soo qabanay, waanan xidh-xidhnay” ayuu isu-duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Sool.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo jira dad si sharci darro ah uga ganacsadda Harimacadka. Waxaanu ku guulaysanay in aanu soo qabanay sanadkii tegay, laba Harimacad, oo lagu qabsaday si sharci darro ah, oo la doonayay in la iib geeyo.
Waxaanu ka samaynay degaamadda Hawdka oo dhan oo uu Harimacadku ku nool yahay, wacyigelin fara badan, in la joojiyo Harimacadka ugaadhsigiisa”.
BANDHIGII CARWADDA BUUGAAGTA LAASCAANOOD:
Bandhiga buugaagta caalamiga ah ayaa dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019-ka markii u horaysay lagu qabtay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Waxaana bandhigaasi lagu qabtay garoonka Kubbadda cagta Laascaanood ee Cabdi Bille Cabdi, 10-kii bishii December ee sanadkii tegay ayaanay si rasmi ah u furantay carwadaasi.
Waxaana qaban qaabadda iyo isku duba ridka bandhigii buugaagta Laascaanood iska lahaa ururka waddaniga ah ee SVO, oo ah urur ka shaqeeya arrimaha bulshadda, isla markaana ka hawl gala gobolka Sool iyo degaamo kale.
Taasoo socotay muddo saddex maalmood ah. Bandhigii buugaagta Laascaanood waxaa madashii daah-furka ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda Somaliland, xisbiyadda siyaasadda, ururadda ka shaqeeya dhiiri gelinta qoraalka iyo akhriska.
Wasiirro ka socday dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, aqoon yahahno ka kala yimid meello kala duwan oo dhulka Soomaalida ah iyo sidoo kale kuwo ka yimid wadamadda dibadda, madax dhaqameed, iyo marti sharaf kale.
Bandhig carweedkaasi ayaa lagu soo bandhigay agabyada hiddaha iyo dhaqanka iyo noocyadda kala duwan ee buugaagta ay bulshooyinkii ka soo qayb galay ay qoreen.
Qabashadda bandhiga buugaagta ee Laascaanood ayaa noqotay mid si weyn u soo jiidatay guud ahaanba indha bulshadda Soomaalida oo dhan, gaar ahaana Somaliland.
Taasoo meesha ka saartay fikirkii ay hore bulshadu uga qabeen gobolka Sool iyo magaaladda Laascaanood, iyadoo noqotay mid wax badan ka bedeshay xaaladda gobolka.
CIYAARAHA:
Tartamadda ciyaaruhu waxay ka qayb qaataan is-dhex galka dhalinyaradda. Dhalinyaradu-na waa cudduda iyo xooga mustaqbalka, kuwaasoo horumarka gaadhsiin kara gobolka haddii loo jiheeyo hilinka toosan.
16 kooxood ayaa ka qayb galay tartan ciyaareed kubbadda cagta ah oo lagu qabtay garoonka ciyaaraha magaaladda Laascaanood ee Cabdi Bille Cabdi, tartankaasi oo socday muddo 35 maalmood ahaa.
Sidoo kale Orodka Marathon-ka oo la ordayay 5 KM oo ay ku tartamayeen 120 dhalinyaro orod yahano ah, ayaa ka mid ahaa tartamadii lagu qabtay gobolka Sool sanadkii 2019-ka. Orod yahamadii galay kaalmaha koowaad, labaad ilaa tob-naad ayaa la gudoonsiiyay abaalmarino kala duwan.
La soco qaybaha danbe….