“Markii Boorama aanu kaga adkaanay, Buuraha ayay fanteen”.. Murrashax Saajin

0
1720

Boorama (Hargeisa Press)- Murrashaxa jagada Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE, ahna, Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama kala qaybgalay dhoolatuska ololaha doorashada ee galay maalintii labaad.

Murrashaxa jagada Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal.

Waxaanu si weyn uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo taageerada ballaadhan ee reer Boorama ka muujiyeen maalinta labaad ee ololaha KULMIYE.

Saajin, ayaa sidoo kale waxaa uu muujiyey inay si gaar ah ugu xisaabtamayaan taageerada reer Awdal.

Murrashax Saajin, ayaa eedaymo culus u jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isagoona sheegay in markii xisbiga KULMIYE Boorama kaga adkaaday, ay buuraha fanteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here