Mareykanka oo Laga Dalbaday Inuu Ka Jawaabo-Weerarka Lagu Soo Qaaday Somaliland

0
2655

Washington (Hargeisa Press) – Afar Urur oo danaha Somaliland u ololeeya, ayaa shaaca ka qaaday in la joogo wakhtigii Somaliland xor u ahaan lahayd noqoshada dal dimuqraadiyadiisu kobcayso, kana dalbaday xukuumada dalka Mareykanka inay jawaab ka bixiso weerarka kooxaha kala duwan ku soo qaadeen nabada iyo xasiloonida dalka.

War-saxaafadeed Afarta Urur ee Kooxda la-talinta Istaraatiijiyada Somaliland, Ururka Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka, Rugta Ganacsiga Somaliland ee Mareykanka & Kooxda Walaalaha Somaliland ee Mareykanka ay soo saareen, ayaa waxay walaac ay kaga muujiyeen weerarada abaabulan ee Laascaanood, iyagoona dhinaca kale amaanay talaabooyinka Ciidanka Qaranka Somaliland isaga caabiyey.

Qoraal dheer oo ururadu sharaxaad kaga bixinayeen weerarada lagu soo qaaday Somaliland ayey ku sheegeen in kooxo abaabulan oo ka kooban maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda gobolka Sool, balse ay taageero hubaysan iyo Soomaaliya ka qayb qaadanayso, iyo kooxo xidhiidh la leh argagxisada ka dambeeyaan.

Waxay si weyn u dhaleeceeyeen, Soomaaliya oo ay sheegeen inay si la yaab leh u taageertay, una barbar-socoto, xoogagga argagixisada caanka ah ee Al-Shabaab, oo gabaad ka soo dhigtay Somaliland, ka dib markii ay weerarrada Drones-ka Mareykanku si ba’an u weerareen saldhigyada ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Inkastoo si ka duwan Soomaaliya lafteeda, Somaliland ay muddo dheer si firfircoon iskaga caabinaysay.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo si weyn u kormeera nabadgelyada masaafo ka badan 1,000 KM ee Xeebteeda waxa kale oo ay ka hortageen wax kasta oo badda ku soo dhex dhuunta.

Ururadan, ayaa qoraalkooda ku sheegay in sababo badan keeneen in kooxaha argagxisada Al-shabaab iyo xulafadoodu ay fursad taageero ka helaan Soomaaliya si ay gudaha ugu soo galaan magaalada Laascaanood.

Waxa ka sii muhiimsan qorshaha foosha xun ee dalka Shiinuhu ugu taageerayo kooxaha sare sababo la xidhiidha inay khalkhalgeliso amniga Somaliland oo ay dhaawacdo xidhiidhkii sii balaadhanaya ee ay la leedahay Mareykanka. Shiinuhu waxa uu muddo dheer isku dayey in uu saamayntiisa ku fidiyo Afrika oo dhan isaga oo adeegsanaya hindisihiisa Belt and Road waxana uu hadda helay habab uu saamayn ugu yeesho Soomaaliya.

Qorshayaasha dalka Shiinuhu ayey ururadan ku tilmaameen inay qeyb ka tahay carqaladeynta qorshaha uu Mareykanku ku doonayo in uu ku balaadhiyo saldhiga yar ee aynu ka samaysanayno Dekadda Berbera, kaas oo noqon doona mid ka sii xoog badan oo loolan adag kula jiro Dekedda Jabuuti ee Shiinuhu leeyahay oo ay maamusho. Sidoo kalena Shiinuhu doonayaan inay carqaladeeyaan sahaminta shirkadaha Taiwan ee saliidda muhiimka ah ka bilaabayaan Somaliland.

War-saxaafadeedka afarta urur, ayaa su’aal lagu geliyey sababta ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Mareykanku u sii waddo abaal-marinteeda dowlada musuq-maasuqa Soomaaliya, uguna fashilantay taageerida deriskeeda dimuqraadiga ah ee Somaliland.

Qoraalka, ayaa lagu soo gebagebeeyey in la joogo wakhtigii Baarlamaanka Mareykanku aqbali lahaa waaqica muuqda, isla markaana Somaliland xor u ahaan lahayd inay noqoto dal dimuqraadiyadiisu kobcayso ee ugu firfircoon Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here