Mareykanka oo Gargaar Gaadhsiinaya Dadka Ka Barakacay Dagaalka Laascaanood

0
2725

Washington (Hargeisa Press)  Dowladda Mareykanka, ayaa waxaa ay shaacisay inay gargaar deg deg ah gaadhsiinayso dadka ka barakacay dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool.

Mareykanka, ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaysa la-hawlgalayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ay dadkaasi siinayso gargaar cunto oo degdeg ah, taageero nafaqeyn degdeg ah iyo sahay caafimaad oo lagama maarmaan ah.

Waxaa kale oo uu Mareykanku sheegay in gargaarkaasi la gaadhsiin doono bulshooyinka martida loo yahay ee marti geliyay dadka ka soo barakacay dagaalka Laascaanood.

Dagaalka magaalada Laascaanood, ayaa waxaa ka barakacay in ka badan 185,000 oo qof, sida ay sheegeen Hay’addaha Caalamiga ahi, waxaanay u barakaceen deegaano ku xeeran magaalada, iyagoo wajahayo xaalado adag.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhankeeda sheegtay in ay gargaar gaadhsiinayso dadka ka barakacay colaada magaalada Laascaanood, iyadoo kaashanaysa Hay’addaha Caalamiga ah.

Waxaa kale oo jira qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland oo gargaar iyo lacago gaadhsiiyay dadka ka barakacay magaalada.

Si kastaba, xaaladda magaalada Laascaanood, ayaa degan shalay illaa iyo maanta, waxaana dib loo furay goobihii ganacsiga ee xidhmay markii magaalada ay colaadu ka bilaabmatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here