Mareykanka oo Ka Digay Qaraxyo Ay Al-Shabaab Ka Fuliso Muqdisho

0
461

Muqdisho (Hargeisa Press)- Safaaradda dowladda Mareykanku ay ku leedahay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa soo saartay digniin la xidhiidha amaanka.

War qoraal ah oo ay maanta soo saartay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in ay soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka ah oo saaran shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho.

Safaaradu waxay sheegtay in ay heshay xog muujinaysa in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka af-duubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee Soomaaliya.

Digniinta ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, oo ku qornayd luuqadda English-ka, oo aanu soo turjunay waxay u dhignayd sidan:

“Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sii wada in ay si dhow ula socoto xaaladda amni ee magaalada Muqdisho oo uu ku jiro garoonka Aadan Cadde.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka ah oo saaran shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Safaaradda Mareykanka waxa ay xasuusineysaa dadweynaha La-talinta Socdaalka ee Soomaaliya, taas oo sheegeysa in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee Soomaaliya.

Waxaa dhici karta in weeraradu ku dhacaan digniino yar ama digniin la’aan, waxaana lala beegsadaa garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, xarumaha dowladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee soo jiita dad badan oo reer galbeedka ah, iyo sidoo kale kolonyada ciidamada dowladda, iyo kuwa reer galbeedka.

Qaababka weerarrada waxaa ka mid noqon kara qaraxyo baabuur, kuwa is-qarxiyay, kuwa shakhsi weeraray, iyo madaafiic, iyo kuwo kale.

Weerarada argagixisanimo ee ku lug leh isticmaalka aan loo meel dayin ee loo adeegsado qaraxyada iyo hubka kale waxay ka dhici karaan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah wakhti kasta digniin la’aan” ayaa lagu yidhi warkaasi.

Geesta kale, warka safaarada, ayaa tallooyin ay qaadaan loogu soo jeediyay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Muqdisho, haddii waxyaabo halis amaan darro ah dareemaan.

Tallooyinkaasina waxaa lagu yidhi “Tallaabooyinka la qaadayo:

• Feejignaan samee munaasabadaha, goobaha cibaadada, iyo meelaha ay ku badan yihiin dadka.

• Dib u eeg qorshayaashaada amniga gaarka ah.

• Hayso qorshooyin daadgurayn oo aan ku tiirsanayn kaalmada dowladda Mareykanka.

• Ka digtoonow agagaarkaaga. La soco warbaahinta gudaha wixii ku soo kordha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here