Yagoori (Hargiasa Press)- Ciidamo ka soo goostay Maleeshiyaadka Kooxaha Huwanta, ayaa waxaa ay isku soo dhiibeen Ciidamada Qaranka Somaliland ee qaybta 7aad.
Abaanduulaha qaybta 7aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland Gaashaanle sarre Axmed Bulaale, ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan hadii ay soo noqdaan dhalinyarada la khalday ee Maleeshiyaadka Huwanta.
Waxaana uu yidhi”Waxa aanu soo dhawaynaynaa dhalinyaro ka mida haa dadkii la khalday oo ka soo noqday, odayaasha 33 mooye cidii kale waa cafis dhalinyarada ka dambeeya waanu soo dhawaynaynaa,”.
Jaamac Cawil Xasan Wayrax oo ka mid ahaa Ciidamo ka soo goostay Maleeshiyaadka huwanta, ayaa waxa uu sheegay in Laascaanood ay ku soo duuleen dad aan u dhalan.Waxaana uu yidhi ”Waxa isoo dhaweeyay saraakiisha saldhiga toddobaad ee Ciidamada qaranka waxaanan leeyahay saxiibayda aan ka imi iskaga kaalaya oo dalkiina iyo dadkiina u kaalaya waa laydin khalday. dad aan u dhalan ayaa ku soo duulay Laascaanood oo gubaya oo carruurteenii iyo Maatadeenii qixiyay waana in aynu ka xorayno.”
Sidoo kale, Haybe AwJaamac oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka huwanta ee ku soo biiray Ciidanka qaranka ayaa sheegay in dib ugu soo noqdeen Ciidanka qaranka.
Waxaanu yidhi”Aniga oo ka mid ahaa Ciidamada Jamaahiirta ee ku sugan Laascaanood,waxaa aanu u nimid Ciidankii Somaliland ee markii horeba aanu ka tirsanan,”.