Malleeshiyaad Ka Soo Goostay Kooxaha Huwanta oo Isku-Soo Dhiibay Ciidamada Qaranka

0
1910

Yagoori (Hargiasa Press)- Ciidamo ka soo goostay Maleeshiyaadka Kooxaha Huwanta, ayaa waxaa ay isku soo dhiibeen Ciidamada Qaranka  Somaliland ee qaybta 7aad.

Abaanduulaha qaybta 7aad  ee  Ciidamada Qaranka Somaliland Gaashaanle sarre  Axmed  Bulaale, ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan hadii ay soo noqdaan  dhalinyarada la khalday ee  Maleeshiyaadka Huwanta.

Waxaana uu yidhi”Waxa aanu soo dhawaynaynaa dhalinyaro  ka  mida  haa dadkii la khalday oo ka soo noqday, odayaasha 33 mooye cidii  kale waa cafis dhalinyarada  ka dambeeya waanu soo dhawaynaynaa,”.

Jaamac Cawil Xasan Wayrax oo ka mid ahaa Ciidamo ka soo goostay Maleeshiyaadka huwanta, ayaa waxa uu sheegay in Laascaanood ay ku soo duuleen dad aan u dhalan.Waxaana uu yidhi ”Waxa isoo  dhaweeyay saraakiisha saldhiga toddobaad ee Ciidamada qaranka waxaanan leeyahay saxiibayda aan ka imi iskaga kaalaya oo dalkiina iyo dadkiina u kaalaya waa laydin khalday. dad aan u dhalan ayaa ku soo duulay Laascaanood oo gubaya oo carruurteenii iyo Maatadeenii qixiyay waana in aynu ka xorayno.”

Sidoo kale, Haybe AwJaamac oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka huwanta ee ku soo biiray Ciidanka qaranka ayaa   sheegay in dib ugu soo noqdeen  Ciidanka qaranka.

Waxaanu yidhi”Aniga oo ka mid ahaa Ciidamada Jamaahiirta ee ku sugan  Laascaanood,waxaa aanu u nimid  Ciidankii Somaliland ee markii horeba  aanu ka tirsanan,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here