Washington (Hargeisa Press) – Bayaan dhawaan ka soo baxay dowladda Mareykanka, oo la soo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington, ayaa lagu shaaciyay magacyada rag mas’uuliyiin sarsare ka ah Al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada.
“Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminayaan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Ragga magacyadooda la xusay ee lagu daray liiska argagixisada, ayaa u muuqda kuwo aan hore wax badan looga aqoonin.
Balse warka ka soo baxay Mareykanka, ayaa lagu sheegay in ay yihiin shakhsiyaadka sida buuxda gacanta ugu haya Al-Shabaab, xilalka ugu muhiimsanna u haya.
Hoggaamiyeyaashan, ayaa sidoo kale lagu soo rogay xayiraad dhaqaale ama cunaqabateyn si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo iyaga iyo cid walba oo la macaamisha.
Waxaa go’aanka laga qaatay uu qeyb ka yahay fulinta digreeto amar oo tirsigeedu yahay (E.O.) 13224, taasoo wax ka baddal lagu sameeyay.
Ragga la xusay ayaa kala ah:
Mohamed Mire
Mareykanku waxa uu sheegay in ninkan uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, mas’uulna ka yahay sameynta istiraatiijiyadda ay ku howlgasho kooxda iyo go’aan qaadashada ugu sarreysa.
Sidoo kale, Maxamed Mire waa madaxa garabka arrimaha gudaha ee Al-Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Intaas waxaa u sii dheer in uu dusha kala socdo ama kormeero howlo badan oo ay Al-Shabaab ka sameyso gudaha Soomaaliya.
Yaasir Jiis
Bayaanka ka soo baxay dowladda Mareykanka, ayaa lagu caddeeyay in Yaasir Jiis oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu taliye u yahay garabka hubeysan ee kooxda, oo loo yaqaanno Jabha, kaasoo fuliya dhammaan weerarrada ay Al-Shabaab geystaan.
Faahfaahin kale lagama sii bixin hoggaamiyahan, marka laga reebo in uu ka mid yahay shanta qof ee ku biiray liiska argagixisada.
Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow
Ninka saddexaad ee magaciisa lagu sheegay warka la soo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken waa Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow, oo sidoo kale loo yaqaanno Gees Cadde.
Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay madaxa qeybta sirdoonka ee Al-Shabaab oo dad badan ay u garan og yihiin “Amniyaad”.
Garabkan waxa uu door weyn ka qaataa weerarrada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca gobolka.
Mustaf Caato
Sida lagu qeexay isla warbixinta, Mustaf Caato oo ka tirsan madaxda sarsar ee garabka Amniyaadka, ayaa ah ninka mas’uulka ka ah isku dubaridka iyo fulinta weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya iyo Kenya.
Waxa uu sidoo kale gacan ka geystay weerarro lala beegsaday meelo ka tirsan Kenya iyo saldhigyada milateriga Mareykanka ee Kenya.
Mohamoud Abdi Aden
Qofka shanaad ee magaciisa la soo bandhigay waa Maxamuud Cabdi Aadan oo uu Mareykanku ku sheegay inuu yahay xubin ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.
Ninkan, ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in uu qeyb ka ahaa koox qorsheysay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hoteelka Dusit2 ee magaalada Nairobi.
Muwaadiinta Mareykanka, ayaa looga digay in ay wax lacago ah u diraan shakhsiyaadkan oo lagu soo rogay xayiraad dhaqaale.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Mareykanka shaaciyay magacyada toban qof oo Soomaali ah oo uu ku tilmaamay inay dhinaca dhaqaalaha ka caawinayeen Al-Shabaab. Dhammaan dadkaas, ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn.