Hargeysa,(HargeisaPress) —Waxa magaalada Hargeysa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ee khuseeya buuxinta jagadii gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ee uu baneeyey Cabdiraxmaan Cirro,waxaana loolan adagi uu dhex marayaa xildhibaanada golaha wakiilada gaar ahaana murrashaxiinta u tartamaya jagadaasi.
Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday tiradda codsiyada xildhibaanada ee ilaa hadda soo gaadhay xafiiskiisa.