Madaxweynihii Hore Ee Masar Oo Geeriyooday

0
745

Qaahira (Hargeisa Press.com):  Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaala sheegay in uu maanta  ku geeriyooday gudaha maxkamad dhagaysanaysay dacwadiisa.

Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaas.

Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.

Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.

Wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.

Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii bishii Janaayo 2011 kadib.

Wuxuu ku jiray xabsi tan iyo markii la xiray. Xilligaas ka dib waxaa bilowday howlgal ka dhan ahaa taageerayaashiisa Ikhwaanka.

Dacwadda maanta la dhageysanayay waxay ku saabsanayd xiriirkii uu la lahaa ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, sida uu baahiyay telefishinka qaranka dalkaas.

Warkan degdegga ah wixii ku soo kordho waan idiinla soo socodsiin doonaa, warbixinno kalena waad idiin soo gudbin doonnaa.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

Xigasho: BBC Somali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here