“Madaxweyne waad ku mahadsan tahay Go’aankii aad ka qaadatay Xalinta Arrinta Agabar” Marwo Kaltuun Sheekh.

0
658
Screenshot

Gabiley,(HargeisaPress) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa madaxweynaha JSL, ku boggaadisay go’aankii geesimada lahaa ee uu ka qaatay xalinta shaqaaqadii ka dhacday degaanka Agabar, ee gobolka Gabiley.

Waxaa ay sheegtay in madaxweynuhu qaatay go’an adag kaas oo uu soo afmeeray shaqaaqadii dhawaan ka dhacday degaanka Agabar, ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.

Marwo Kaltuun waxa ay xustay in labada Marxuum ee saaka lagu aasay Gabiley, uu tiiraanyada iyo muragada la qaybsaday qoysaskii ay ka baxeen, waxa kale oo ay u mahadcelisay xubnihii golaha wasiirada ka mid ka ahaa ee habeen iyo maalin u taagna xal u helista arrintan

Waxaaney tidhi.“Waxaan halkan uga mahadcelinaya madaxweynaha JSL, oo leenahay aadbaad ugu mahadsan tahay iyo inuu isbarbar taago dadkii geeridu ku dhacday iyo dhammaan degaanka Agabar iyo in la xaliyo arrinta taagan.

Waxa kale oo aan u mahadcelinaya wasiiradii ka qayb qaatay xalinta arrintan, oo u taagna ilaa maalintii hawshu dhacday ilaa maanta”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here