Hargeysa, (HargeisaPress) —Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa Madaxweyne Siilaaanyo ku amaanay doorka uu ka qadtay horumarinta dhalinyarada Somaliland.
Agaasime Dhabeeye ayaa Qoraal ku baahiyay Bartiisa Facebook waxaanay u dhignayd sidan :
Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu ku ammaanan yahay dhiiri-gelinta, horumarinta iyo tix-gelinta dhallinyarada dalka, iyo sida muuqata ee uu taladda dalka qeybaha muhiimka ah uga siiyey.
Waxaa sharaf noo ah ka dhallinyaro ahaan iyo ka wasaarad ahaanba inuu Madaxweyne Silaanyo uu xadhiga ka jaray garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, kaas oo uu ku guuleystay inuu doogga sanaacigga ah (Artificial Grass) lagu goglo, dhallinyarteenuna kaga reysato dhibtii iyo boodhkii ka soo gaadhi jirtay.
Muuqaaladda qurxoon ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland, gaar ahaan garoonka Hargeysa Stadium waa mid in baddan dhallinyarteenu ku riyoon jireen oo maanta u dhabbowday, sidoo kalena Garoomadda waa weyn ee kubadda cagta ee gobollada kale ee dalka waxaa sannadka soo socda ee 2017-ka haddii Eebe idmo qorshuhu yahay inay la muuqaal noqdaan Hargeysa Stadium, kuwaas oo iyagana la dhigo doono doogga sanaacigga ah.
Isla sannadka 2017-ka waxaa isagana qorshaha ku jira garoonka kubadda koleyga ee Tima-cadde in guud ahaan isaguna uu noqdo mid dedan oo qaabka garoomadda caalamka u qaabeysan.
Ugu dambeyntii, waxaa kale oo iyaguna boggaadin mudan Wasiiradda Maaliyadda iyo Madaxtooyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, doorka nugul ee ay had iyo jeer ugu heelan yihiin horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Wa Bilaahi Tawfiiq.