Madaxweyne Siilanyo Oo Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare

0
856

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuryada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  Ayaa Waxaa Uu Digreeto Madaxweyne Uu Ku Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland .

Madaxweynaha Ayaa Waxaa Uu Gudoomiyaha Maxakamada Sare Ee Somaliland Uu Magaacabay Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed

Waxaana War-Saxaafadeed Hada Ka Soo Baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Uu U Dhiganaa Sidan .  WAR-SAXAAFADEED     Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare Somaliland  Madaxweynuhu:-

Prof.-Aadan-Xaaji-Cali 3
Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Arkay:                     Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Aqoonsaday:       Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay:                       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Isku Qanciyey:     In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here