Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.
Digreetada Madaxweynaha:-
Ku: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Guddoomiye
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xubin
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Xubi
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warshadaha XubinKu: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin
Ku: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Xubin
Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna
Ku-simaha Maayarka Hargeysa Xubin
Ku: Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi Xubin
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde
Mudanayaal,
Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde.
Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.
Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com