Madaxweyne Siilaanyo Oo u Socdaalay Goboladda Bari, Kana Hadlay Sharciyadda Uu Kursiga Ku Fadhiyo

0
835

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa, waxaanu u sii jeedaa Ceerigaabo. Madaxweynaha ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay inuu xadhiga ka jarayo qaybo jidka Ceerigaabo ah oo la dhammaystiray.

Madaxweynaha oo ka hor socdaalkiisa Madaxtooyada kula hadlay saxaafadda waxa uu difaacay sharcinimada go’aankii golaha guurtida oo uu ku sheegay mid dhaqan gal ah islamarkaana guurtidu xaq u lahayd. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ogol yahay heshiiskii asxaabta oo uu ku tilmaamay xal siyaasadeed.

kakaak

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay In sharciyadda uu kursiga ku fadhiyaa la mid tahay tan Guddoomiye Cirro xilka wakiillada ku hayo maadaama labadooduba ku fadhiyaan muddo kordhin guurtidu samaysay.

“Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaableh in gudoomiye C/raxmaan Ciro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimada guurtida,kuna fadhiyey 5 sanadood oo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursiga aan ku fadhiyaana waa xaraanka uu isagu ku fadhiyaan waa xalaal iyadoo guurtidu noo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korranyihiin,dhawaaqyada kasoo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaanh adalo dhiifleh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharci dalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.

madax

Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaansanahay,waana ixtiraamaynaa kamanaaanu bixin balse,weli lama sharciyeyn waxaana aanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirinno.” ayaa ka mid ahaa hadalka Siilaanyo.

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa loo qaadan karaa mid uu indhaha bulshada kaga jeedinayo muranka siyaasadda maadaama bari oo 27, July ah ay kaga eeg tahay muddo xileedkiisii sharciga ahaa wakhtiga loo kordhiyayna wali muran ka taagan yahay.

Khudbadda Madaxweynaha Oo Dhamaystiran

Khudbada Madaxweynaha 26/07/2015
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaah,

Waxaan Salaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulshada Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuur galaya mashariic horumarineed oo kasocota meelo badan.
Indhawayd waxaa dhegahayga kusoo dhacayay mucaaradka oo ka hadlaya arimaha doorashooyinka, qaar ku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen, golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.
Arimaha Doorashooyinka.

Waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhamaan waanaga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waanaka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowbo garoonka doorashada.

Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaab leh in gudoomiye C/raxmaan Cirro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimad aguurtida ,kuna fadhiyey 5 sanadoodoo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursigaaan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xallaal iyadoo guurtidun oo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korran yihiin,dhawaaqya daka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiif leh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharcidal ku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madadaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaan sanahay ,waana ixtiraamaynaa ka manaaanu bixinbalse, weli lama sharciyeyn waxaan aaanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirino.

Dawladaydu waa sharci, way jirtaa waanay, jiri doontaa waxaana xil ka igala wareegi doona dawlad lasoo doortay oo sharci ku timaada. Dalkana masuuliyadiisu anagayna saran tahay, Cid kasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirtaa waxaanu kaqaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqib keeda.

Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalinta nabad gelyada iyo inay gacmaha isu, qabsadaan,horumarka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here