Madaxweyne Kuxigeenka Oo Ku Hawlan Sidii La isugu Soo Dhaweyn Lahaa Xisbiyada Qaranka iyo Madaxdooda

0
635
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) PHOTO FILE

Hargeysa(HargeisaPress)Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa la sheegay, in uu Maalmihii u dambeeyay ku hawlanaa isu soo dhaweynta Madexweynaha iyo Hogaamiyayaasha Xisbiyada Qaranka si xal loogu helo khilaafka Siyaasiga ah ee Arimaha Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland.

Cabdiraxmaan-Saylici Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo indhawaale u muuqdey in uu isku xilqaamey, Doorkiisa Waayo aragnimo iyo Biseylka Siyaasadeed ee mudada uu kusoo jirrey Doorka Loolanka Xisbiyada ayaa la sheegay, in uu Wakhtigan si isxilqaan ah uga dhex odayaynayo sidii Ay meel dhexe isugu soo biyo shuban lahaayeen hogaanka Xisbiyada Qaran ee Somaliland, isagoo si daacadnimo ah oo ay dhexdhexaadnimo badani ka muuqato u Waajahay in ay lagama maarmaan tahey in is afgarad lagu soo gabagabeeyo, khilaafka Siyaasiga ah ee hore uga taagnaa Muranka Doorashooyinka iyo Waliba ka Xukuumad ahaan in ay Waajib tahey, in la oofiyo heshiisyadii masuuliyiinta heer Qaran ee ay khusayso Tartanka Xisbiyadu.

Khusuusan Arimaha la Sheegay, in Madaxweyne Kuxigeenku Culayska la saaro, Waxa hordhac u ah in la isaga soo dhawaado halkii hore ee Xudunta muranka Doorashada islamarkaana, la joojiyo guud ahaanba labada dhinac yooyootanka dhinaca Warbaahinta, iyadoo xogaha dhaqdhaqaaqyadan la xidhiidha ay daaha ka rogeen in uu kalsooni ku qabo dhinaca Madaxweynaha iyo hogaanka Xisbiga Kulmiye sidaa daraadeedna uu Madaxda Xisbiyada ku Qanciyay in Arimaha lagu dhameeyo kulano iyo Wada xaajoodka Labada dhinac.

Waxaanay Wararku tibaaxeen in uu rajo fiican ku qabo in Wakhti Xaadirkan Xal buuxa lagu soo dhameeyo arimaha Xudunta u ah Khilaafka.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here