Madaxweyne ku Xigenka Somaliland oo Furay  Shir Lagu Falanqaynayo Hirgalinta Siyaasaada Maamul- Daadajinta Dawldaha Hoose + SAWIRRO

0
897

 

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shir Lagu Falanqaynayo Hirgalinta Siyaasaada Maamul- Daadajinta Dawldaha Hoose oo socon doona laba maalood  ayaa maanta ka furmay Hotelka Maansoor ee magaaladda Hrageysa, waxa ka soo qeyb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir u dowlaha wasaaradda waxbarashada Somaliland, Axmed Nuur Faahiye,Wasiir ku xigeenka hawlaha guud iyo guryeynta. Md.Cali Cabdi Saa’iq. iyo maayirada Gabiley,Borama, Hargeisa, Saylac iyo Madax kale oo fara badan ayaa ka soo qayb galay xaflada furitanka shirka.

DSC00327

Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir waa madaxa barnaamijka maamul daadejinta JPLG ee madaxtooyada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida uu ku soo bilaabmay mashruuca JPLG heerarkii uu soo maray iyo guulaha ay imika ku talaabsadeen.

DSC00325

“Maamul daadajintu u-jeedadeedu waxa weeyaan in 5-sanno ama 10-sanadood ama 15-sanadood kadib waa inay dadweynuhu helaan hawl iyo adeeg la soo dhaweeyey, oo ay ka helaan meesha ay degen yihiin.Dadweynaha waxa u suurageli doona inay ka qeybgalaan go’aan ka gaadhista hawlaha ka dhacaya meesha ay degen yihiin ee u dhow, taasina waxay u suuragelin doontaa.taasina waxay u suurageli doonta  inay dhiirigeliyaan dawlada Hoose ee k u guuleysata inay adeeg wanaagsan siiso, ta kalena aanay sidaa ka yeelin. Dawlada Hoose iyo maayiraduna waxay yeelan doonaan masuuliyad intan ka baddan.oo ah inay adeega dadka gaadhsiiyaan.

DSC00326

“Dawlada Hoosena waxa u taala inay muhiimada siiso hawshaasi maamul daadajinta, taasi waxay dawlada dhexe fursad u siin doonta sida Wasiirada inaanay toos ugu mashquulin hawlaha fulintooda, laakin ay ku mashquulaan arrimaha ka waaweyn ee ah kormeerida, hubinta iyo sida ay adeegyadu u socdaan”.Ayuu yidhi Patric Dong, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu dawlada dhexe ka caawin doona sidii ay dawladaha Hoose adeeg hufan u gaadhsiin lahaayeen dadweynaha”

DSC00333

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maamul daadajinta dawladaha Hoose waxa weeye in ay adeegii helaan dadka hoose oo la gaadhsiiyo aqal ilaa aqal oo uu qofku agtiisa ka helo adeegii, waxaan u mahad-celinayaa qaadhaan-bixiayaashii hawshan daba taagna ee dhaqaalaha ku bixinayay intii ay hawshu socotay.

Qeybtii kowaad ee waxbarashadu waxay ka hirgashay saddex degmo, si aanu annaguna Hargeisa ahaan uga qeyb qaadano waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu qeybtaa waxbarashada la wareegno oo sanadkii hore iyo kii ka sii horeeyey-ba aanu ku bixinay $100,000 oo Dollar (Boqol kun oo Dollar) oo aanu ka goynay lacagtayada aanu soo saarno,

DSC00332

Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Annagu waxaanu nahay Wasaaradihii soo doontay maamul daadajinta JPLG, intii aanu imika ka aragnay waxa faa’iido aad iyo aad u weyn ayaanu kala kulanay,…. Imika waxaanu ku xidhanay dawladaha Hoose , taas oo noo soo dhaweysay hawlo baddan oo aanu ka qaban lahayn reermiyiga.

 

DSC00330

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebogebadii shirkaasi ka hadlay ayaa waxa yidhi “Waxa maanta inoo farxad ah inaynu isugu nimaadno shir ka mida  maamul-daadajinta dawladaha Hoose ee JPLG, oo aynu ku lafa-gureyno wixii  inoo qabsoomay iyo waxaynu qabsanayno”

DSC00324

Shirkan ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Mas’uuliyiinta Magaalooyinka uu ka Socdo Mashruuca Maamul Daadejinta,Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,Saraakiisha Hay’adaha Mashruucan kala shaqeeya Xukuumada Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here