Boorama (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta magaaladda Boorama ka daah-furay qayb cusub oo lagu soo kordhiyay cusbitaalka guud ee Boorama.
C/raxmaan Saylici, iyo wefti uu hogaaminayo oo maanta safar ku tegay magaaladda Boorama ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray qaybaha kala duwan ee cusbitaalka Boorama.
Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku xadhiga ka jaray mishiinka dhaliya Ogsajiinta oo dhaqaalaha lagu soo iibiyay ay iska kaashaqadeen ganacsatadda, iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha ku nool magaaladaasi.
Sidoo kale C/raxmaan Saylici, oo ay wehelinayeen maamulka gobolka Awdal, iyo ka degmadda Boorama ayaa soo kormeeray qaybta sifaynta Kelyaha oo cusub, isla markaana dhawaan lagu soo kordhiyay cusbitaalka guud ee magaaladda Boorama.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.