Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii u hogaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa kullan is xog-warreysi ah la yeeshay Madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Wayeelka Gobolka Awdal.
Kulankaas oo ahaa mid xaal wareysi guud ah, ayaa lagu gorfeeyey arrimo la xidhiidhay nabadda iyo horrumarinta dalka sidii ay doorkooda uga qaadan lahayeen Madax-dhaqameedku.
Waxaana xusid muddan in madax-dhaqmeedka halkaasi hadalka iska daba qaatay ay ku dheeraadeen baahiyaha gobolka ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, waxaanu u mahadnaqay madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal iyo wax-garadka, waxaanu xusay in Xukuumadda wada jir iyo wax-qabad ay Gobolka Awdal hirgelinayso mashariic horrumarineed oo lagu diirsan doonno, isla markaana ay oofinayso ballan-qaad-yadii la sameeyey xiligii ololaha doorashada.
“Shacabka Gobolka Awdal waxaan ugu bishaaraynaayaa in xukumada cusub ee Wadajir iyo Wax-qabad ay diyaar u tahay fullinta ballanqaadyadii wakhtigii ololaha doorashada” ayuu yidhi.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in xukuumadda oo wada jir ay bilowday jidka mihiimka ah isku xidha Boorama iyo Baki, waxaanu xusay inuu dhammaan doonno jidkaasi dhawaan.
“Sidaad ka war qabtaan Wadadi Borama iyo Baki xukumaddu waxay bilawday 100 maalmood ee u horreeyey muddo xilleedkeeda dhawaana way dhamaan doontaa.” ayuu raaciyay.
Waxaa uu Madaxweyne ku-xigeenku ugu busheereyey bulshada reer Awdal iyo guud ahaan-ba reer Somaliland dhismaha dekadda casriga ah ee Lughayaha, taas oo dhawaan la dhaggax dhiggi doonno, isla markaana la bilaabi doono.
“Dhawaan waxa si rasmiya loo bilaabi doona dhismaha Dekedda lughaya oo noqonayn dhaggax dhi, balse markiiba hawsheeda ay xukuumaddu bilaabi doonto,Waanu ognahay mihiimada dekedda Lughaya ay u leedahay shacabka ka xukumad ahaan waxa naga go’an in dalka aan ka hirgelino kaabayaasha dhaqaalaha.”
Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa ka hadlay hawsha dhismaha jidka mihiimka ah ee isku xidhay Magaalooyinka Boorama iyo Lawyacaddo,waxaanu xusay inay dhawaan bilaabi dooonnaan.
“Waxa iyadu meel fiican maraysa hawsha dhismaha Wadada Borama iyo lawyacado oo iyadna qiimaynteedii wey soo dhammaatay isla markaana hawsheedu waxay u bilaabmi doontaa sida ugu dhakhsiyaha badan” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa kula dar-daarmay Madax-dhaqameedka iyo haldoorka Gobolka Awdal inay xukuumadda wada jir iyo wax-qabad kale shaqeeyaan arrimaha la xidhiidhay horrumarka dalka.