Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo daah-furay shirka diyaarinta mashaariicda hay’adda UNICEF

0
1176

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta daah-furay shirka diyaarinta mashaariicda loo dhan yahay ee hay’adda UNICEF ee shanta sanno ee soo socda ee 2025-2030.

Shirkan, ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada wasaaradaha qorsheynta, biyaha, iyo agaasimeyaasha wasaaradaha caafimaadka, deegaanka, qorsheynta, madaxda hay’adda UNICEF iyo masuuliyiinta dowaladda ee ay wadashaqeynta leeyihiin Hay’adda UNICEF.

Mashaariicdan la daahfuray, ayaa mudnaanta koowad lagu siinayaa adeegyada bulshada sida, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, deegaanka iyo hooyada iyo dhalaanka, si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Somaliland.

Madaxda hay’adda UNICEF oo ugu horayn shirka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in la diyaarinayo mashaariicaha horumarineed shanta sanno ee soo socda ay hay’adda UNICEF ka fulinayso Somaliland ee adeegyada bulshada.

Waxaanay madaxda hay’adda UNICEF ay balan qaadeen in ay Somaliland ka taageeri doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicaha la xidhiidha adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Wasiirka wasaaradda horuumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna shirka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay xooga saartay sidii bulshada Somaliland u heli lahaayeen Biyo nadiif ah oo ku filan.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa hay’adda UNICEF uga mahadceliyey mashaariicaha horumarineed ee ay Somaliland ka fuliso.

Waxaanu wasiirku faray hay’adda UNICEF inay halkaa ka sii wadaan taageerada ay la garab taagan yihiin bulshada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ugu dambayntii shirka soo xidhay, ayaa soo dhaweeyay diyaarinta mashaariicaha adeegyada bulshada ee shanta sanno ee soo socoda ee ay diyaarinayso hay’adda UNICEF.

Waxaanu hay’adda UNICEF ku ammaanay kaalinta weyn ee ay kaga jirto horumarinta adeegyada bulshada ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here