Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta daah-furay olollaha tallaalka heer Qaran ee Carruurta, kaas oo ah mid lagaga tallaalayo cuduradda Oof-warreenka, Jaddeecadda, iyo dabaysha.
Munaasibadda Daah-furka olollaha tallaalka Qaranka ee carruurta, ayaa lagu qabtay Xaafadda State House Magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb-galleen masuuliyiinta Wasaaradda caafimaadka, dhakhaatiir iyo muddan kale duwan.
Waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu tallaalku u leeyahay carruurta iyo sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAX-QABAD uga go’an tahay daryeelka caafimaadka ee dhallaanka iyo hooyadda.
Ugu horrayn, xubno ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda horrumarinta Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda iyo wax- tarka tallaalkan uu u leeyahay carruurta.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasibadda Daah-furka ka hadlay, ayaa ku dheeraday qiimaha iyo wax tarka uu tallaalku u leeyahay carruurta.
“Talaalka adduunku qiimo gaara ayuu u leeyahay carruurtana aad buu ugu fiican yahay waxa uu ka yaraynayaa xannuunadda carruurta ku dhaca,adduunyada waa ku qariib in la arko ilmo aan talaaInayn oo soconaya markaas talaalku caruurta qiimo weyn buu u leeyahay.” ayuu yidhi.
Wuxuu sheegay Madaxweyne ku-xigeenku, in la joogtayn doonno tallaalka carruurta, isla markaana goob walba la geyn doonno, waxaanu xusay inay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku ay ku debageli doonnaan wasaaradda Caafimaadka.
“Anniga iyo Madaxweynaha Somaliland, waanu ku dadogelaynaa Wasaaradda Caafimaadka inay goob walba oo caafimaad ay gaysay tallaalkaas, waa in la joogteeyaa talaalkaasi si ay uga faa’iidaystaan carruurta imika iyo kuwa soo dhalan doona.”
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sheegay inay ka go’antahay daryeelka caafimaadka iyo bad-baada dhallaanka iyo hooyadda” Xukuumad ahaan waxa naga go’an mar walba inay caafimaad wanaagsan iyo daryeelba ay hellaan hooyadda iyo dhallaanku”.