Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Booqday Gobolka Uttar Pradesh Ee Dalka Hindiya

0
423

Hindiya (HP): Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo safar shaqo ku jooga dalka Hindiya ayaa maanta booqday gobolka Uttar Pradesh (UP), ee dalkaasi.
Gobolka Uttar Pradesh, oo ah gobolka ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta ugu badan dalka Hindiya, isla markaana ah gobolka uu ka soo baxay Raysal wasaaraha Dalka Hindiya.


Waxaa uu kulan la qaatay madaxda ugu saraysa Xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP), oo ah Xisbiga uu ka soo baxay raysal Wasaaraha Dalka Hindiya.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu waxaa uu kulan la qaatay ganacsatada ugu waaweyn gobolkaasi Uttar Pradesh, waxaanu booqday xarunta Agoomaha ee gobolkaasi.
Qoraal kooban oo uu madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebook, ayuu kaga waramay booqashadiisa gobolka Uttar Pradesh.
“Aniga iyo weftigii aan hogaaminayay oo weli ku sugan dalka Hindiya ayaa maanta booqday gobolka Uttar Pradesh (UP) oo ah gobolka ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta ugu badan ee Hindiya, isla markaana ah gobolka uu ka soo baxay Raysalwasaaraha Hindiya.


Waxaan halkaa kula kulmay madaxda xisbiga BJP iyo tujaarta gobolkaas. Sidoo kale waxaan booqday iskuul boodhin ah oo 3000 oo caruur ah oo agoon ah ay wax ku bartaan hoyna u ah”ayuu ku yidhi C/raxmaan Sayici qoraalkiisa.
Geesta kale weftiga uu hogaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo laba maalmood ka hor waxay gaadheen gobolka Tamilnadu, ee dalka Hindiya. Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay waasiirka tacliinta Hindya, isagoo xafiiskiisana ku qaabilay.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka Tacliinta sare ee dalka Hindiya ayay kaga wada hadleen sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Hindiya, iskaga kaashan lahaayeen horumarinta tacliinta.
Sidoo Kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa isla todobaadkan wuxuu booqday gobolka Bangalore, ee dalkaasi Hindiya, kaasoo ay muddo labada maalmood joogeen.


Booqashadda gobolka Bangalore, ayuu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland in ay guul ku soo dhammaadeen, iyadoona masuuliyiinta gobolkaasi ay isla af-garteen sidii ay Somaliland ugu caawin lahaayeen dhanka caafimaadka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here