Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Kormeeray Xafiisyadda Murashaxiinta Kulmiye Ee Boorama

0
499

Boorama (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ay wehelinayeen xubno ka mida golaha wasiirrada ayaa maanta kormeer ku soo maray xafiisyadda murashaxiinta xisbiga Kulmiye ee goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka ee magaaladda Boorama.

C/raxmaan Saylici, iyo weftigan uu hogaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku marayay deegaamo ka tirsan goboladda Awdal iyo Selel, ayaa kormeerkoodan maanta waxay ku qiimaynayeen sida ay xafiisyadda murashaxiintu u abaabulan yihiin.

Waxaana madaxweyne ku-xigeenka wasiirrada la socday xafiisyadaasi ku soo dhaweeyay boqolaal ka mida taageereyaasha murashaxiinta ee xafiisyadii ay soo kormeereen.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo taageereyaashii goobahaasi ku soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

 

 

Hargiesa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here