Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Arroori

0
353

Burco (HP): Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee Gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta kormeeray banka seeraha Aroori ee duleedka Burco oo ay xukuumaddu u furtay xoolaha deegaankaas ku dhaqan iyo ceel biyood iyo isla seeraha dhexdiisa laga hirgeliyey oo dadka iyo duunyaduba ka cabbaan.


Sidoo kale, madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa kormeeray ceelal riig ah oo ay xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Kabo-dheere ee duleedka Burco, kuwaas oo ay dadka iyo duunyaduba si joogto ah uga cabbaan.
Daawo: Kormeerka madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee Deegaamada Haro-sheekh iyo Xaaxi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here