Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Akhriska Hargeysa

0
560

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa waxaa uu maanta xadhiga ka jaray dhismaha xarunta akhriska ee magaaladda Hargeysa.

Xarunta akhriska Hargeysa, oo laga hirgeliyay degmadda Maxamuud Haybe, ee caasimadda Hargeysa, waxaa dhismaheedda hirgelisay wasaaradda Waxbarashadda Somaliland.

Waxaana ka soo qayb galay xaflada furitaanka madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, ku xigeenka Garyaqaanka guud, Xildhibaano, Bahda Jamacadaha iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimeyaasha waaxda xog-isgaadhsiinta iyo Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda waxbarashada iyagoo ka waramay maraaxilkii uu soo maray dhismahani, sidoo kalena sheegay in laga maalgaliyay miisaaniyada dawlada.

Wasiirada wasaaraddaha Warfaafinta iyo Hawlaha guud oo hadalka iska daba maray, ayaa wasaaradda waxbarashada ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii bulshada reer Somaliland ay u heli laaheeyeen goobo akhris, iyagoo sheegay in wasaaraddu ay maalmihii u danbeeyay ku hawlanayd sidii loo fidin lahaa waxbarashada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarasahada  Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo halkaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ahmiyada akhriska iyo qoraalka, isagoo dhanka kale sheegayna in rugta akhriska ee hargaysa ay wax badan ka badali doonto baahidii loo qabay in la helo goobaha akhriska.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay muhiimada akhrisku leeyahay, waxaanu wasaaradda waxbarashada ku bogaadiyay dadaalka ay galisay goobaha wax-akhriska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here