Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Soo Kormeeray Mashriic Xukuumadu Ka Waddo Boorama

0
357

Boorama (HP): Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta soo kormeeray mashaariic horumarineed oo kala duwan oo ay xukuumadda Somaliland ka hirgelisay gobolka Awdal.

Mashaariicdaasi waxaa ka mid ahaa saddex biyo-xidheen oo ay xukuumadu ka waddo deegaamadda Isha-cobosha, Dhamuug 1, iyo Dhamuug 2. Mashruucani waxaa loogu tallo galay in biyaha roobka lagu qabto. Si biyaha Ceelasha kor ugu soo qaadaan oo ay u soo nooleeyaan.waxaana mashaariicdaasi laga maal-geliyay miisaaniyadda wasaaradda Biyaha Somaliland.

Waxaana saddexdan dhaam-biyood lagu maal-geliyay lacag ilaa 3000,000 kun oo dollar ah, taasoo wasiirka wasaaradda biyuhu uu ugu daray miisaaniyadda wasaaradda biyo-xidheenadda Boorama, sida ay sheegeen Injiineeradda gacanta ku haya mashaariicdaasi.

Kormeerkaasi waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay masuuliyiinta shirkadda biyaha Boorama ee Shaaba, xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo kormeerkaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan awoodda saareen sidii biyaha roobka loo qaban lahaa, isla markaana looga bixi lahaa cidhiidhiga biyaha, iyo biyo la’aanta inagu soo noq-noqotay.

Waxaanu tilmaamay C/raxmaan Saylici, wasaaradda biyuhu na ay samaysay in goboladda dalkoo dhan si siman loo wada maal-geliyo, lacag isku mid ahna lagu maal-geliyo.

Geesta kale Injiineeradda gacanta ku haya saddexdaasi mashruuc oo madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siinayay biyo-xidheenadaasi ayaa sheegay in wax tar weyn ay keenayaan Dhaamamkani, isla markaana ay rejaynayaan in ay wax weyn ku soo kordhin doonto.

Dhinaca kale masuuliyiinta shirkadda biyaha Boorama ee Shaaba, oo iyagu mashraaciidani ka faa’iidaysanaya ayaa si weyn ugu mahad celiyay xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanay sheegeen in ay tahay xukuumadii wax-qabadka, gaar ahaana dhinaca horumarinta biyaha, maadaama oo ay iyadu maal-gelinayso mashaariicdan biyo-xidheenadda.

DAAWO: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Soo Kormeeray Biyo Xidheeno ay Xukuumaddu Ka Dhistay Boorama:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here