Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho Ku Soo Laabtay

0
574

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalka Soomaaliya iyo himilada shacbkeeda ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soomaaliya ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.

“Wafdiga Jahmhuuriyadda ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.”

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalka iyo jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan Maraykanka.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here