Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu maanta si kulul uga hadlay safarka uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya ku tagay Magaalada Laascaanood.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay qaadi doonto masuuliyada wixii dhibaato ah ee ka dhalata safarkiisa.
Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay dhawaan heli doonto aqoonsi caalami ah, isla-markaana ay ku hawlan tahay dhismaha ciidan xoogan oo ay is-dufaacayso.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in cid kasta oo ka soo horjeeda Somaliland aanay wax dhibaato ah u geysan doonin, hase yeeshee ay Somaliland muujisay inay tahay dowlad masuul ah oo lala macaamili karo, taasina ay keentay in caalamku boggaadiyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in markii xukuumaddiisu ay xilka la wareegtay ay ku baaqeen nabad shuruud la’aan ah oo ay kula noolaadaan dhammaan jaarka.
Madaxweyne Cirro, ayaa waxaa uu xusay in ay Xukuumaddiisu aas-aastay guddi nabadeed, isla-markaana la qarameeyey ciidamadii beeleeha, si loo hirgeliyo nabadda.