Madaxweyne Cirro oo sheegay in Xukuumadiisu xoojineyso cilaaqaadka Somaliland la-leedahay caalamka

0
1525

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in shaqada u horraysa ee xukuumadiisu qaban doontaa ay tahay sidii uu u cusboobaysiin lahaa, una xoojin lahaa cilaaqaadka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

Sidaasna waxa baahisay Idaacadda Faransiiska ee RFI, waxaanay idaacada Faransiisku sheegtay in Somaliland ay si ballaadhan oo aan hore loo arag xilligan u doonayso ictiraaf caalamiya oo ay ka hesho beesha caalamka.

Warsidaha RFI wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu dharaartii xilka loo caleemo-saaray uu ballan qaaday in xukuumadiisu xoojinayso siyaasadda dibedda iyo xidhiidhkeeda caalamiga ah.

Waxa kaloo madaxweynuhu sheegay in  Somaliland in ay door ka qaadan doonto xasiloonida Geeska Afrika iyo badda cas.

Warku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Donald Trump ay siyaasadiisu u janjeedho inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xildhibaanno kala duwani ay qaddiyadda Somaliland taageereen.

Idaacadda RFI waxa ay soo qaadatay hadalkii danjiraha Mareykanka Richard H. Riley, ka jeediyay xafladii caleemo-saarka madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku dooday in Somaliland tahay mid ka mid ah dalalka calanka u sida dimuqraaddiyadda Afrika oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here