Madaxweyne Cirro: “Anagu cidna duulimaad kuma nihin, laakiin Cidii nasoo doonataa…”

0
2794

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka qaybgalay munaasibad lagu daah-furayey Barnaamijka waxqabadka xukuumadda Wadajir iyo waxqabad ee Boqolka maalmood ee xukunkeeda ugu horreeya, ayaa ka hadlay arrimo xaasasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, nabada magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn iyo qarameynta Ciidamada madaniga ah.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey dedaalka xukuumadda uu hoggaamiyaa ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay xukunka haysay iyo sida ay ugu guulaysatay inay hirgeliso qaybo badan oo kamid ah waxyaabihii muhiimka ahaa oo hortebinta u lahaa.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland uu guul weyn ku tilmaamay inay muuqato yididiilo iyo rejo weyn oo muujinaysa in shaqadu ku socoto jidkii loo qoondeeyey, isagoona sheegay in tallaabo kasta oo xukuumaddiisu qaado ay sii siyaadin doonto taageeradii ballaadhnayd ee lagu doortay, waxaana uu xusay inay xukuumaddiisa ay  waajib ku tahay in ay ummadda u shaqayso.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Ciidamada madaniga ah ee la qarameeyay, isagoona xusay in Ciidanka madanigu ay xoojinayaan nabadda iyo tirada ciidanka.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu sheegay in wadamada adduunka ay u sheegayaan in aanay Somaliland cidna duulimaad ku ahayn, balse ciddii Somaliland soo doonata ay ka shalayn doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here