Hargeysa (Hargeisa Press)- Jaamacadda ADMAS University ee Somaliland, ayaa waxaa ay daahfurtey Mac-hadka Caafimaad guud ee Somaliland, kaasi oo hoos imanaya Jaamacadda ADMAS.
Daahfurka mac-hadka, ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa Jaamacadda ADMAS, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, daneeyeyaasha arrimaha Caafimadka, dhakhaatiir, ardayda wax ka barata kulliyadaha Caafimaadka Jaamacadda ADMAS iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye Ku-xigeenka qaybta Maamulka iyo Maaliyadda ee Jaamacadda Adams Mubaarik Cabdillaahi Daljir oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa haraxaad ka bixiyey kaalinta Jaamacadduhu ku leeyihiin nidaamka Caafimaad ee dal leeyahay.
“Jaamacaduhu waxa ay soo saaraan xirfadlayaal Caafimaad ,waxana Mac-hadkani bud-dhig u noqonaya sidii wax looga qaban laha arrimaha qarankeena muhiimka u ah ee la xidhiidha Caafimaadka“ ayuu yidhi Mubaarik Cabdillaahi Daljir.
Dhinaca kale, waxa iyana hadalka iska daba maray khuburo Caafimaad iyo Aqoonyahan, kuwaas oo Jaamacadda ADMAS ku bogaadiyey daahfurka Mac-hadkan cusub.
Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS ee Somaliland Xuseen Cabdillaahi Maxamuud oo isna madasha hadalo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimada mac-hadkani u leeyahay dhismaha iyo horumarinta qaranka.
“Barnaamijkan aan caawa daahfurayno wuxuu muhiim u yahay bahda Caafimaadka ,bahda waxbarashada iyo qaranka Somaliland intaba “ ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS Xuseen Cabdillaahi Maxamuud.
Waxaanu Guddoomiyuhu intaasi raaciyay, “Shalay waxa aynu ka fekeraynay in aynu soo-saarno qof degree-ga kowaad sita, maantase su’aashu ma taalo, waxa aynu is waydiinaynaa sidee qof tayo leh oo heerka labaad iyo saddexaad ah loo soo saari karaa, waxa kale oo aynu is waydiinaynaa sidee loo soo saari karaa cilmi baadhayaal soo saari karaa cilmi baadhisyo adduunka la tartami kara“
Ugu dambayntii, waxa isna munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Saki, waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb galka daahfurka mac-hadka guud ee Caafimaadka Somaliland.
“Waxa aan u mahadcelinaya guud ahaan Jaamacadda ADMAS, gaar ahaana maamulka Jaamacadda oo munaasibadan ugu talo galay in ay ku daahfuraan Mac-hadka Caafimaadka guud ee Somaliland, qaybna aanu ka noqono Wasaarad Caafimaad ahaan, aad ayaan ugu mahadcelinaya“ ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Saki.