Madaxweyne Biixi oo xadhigga ka jaray xarunta kaydka Biyaha-macaan ee Gabiley

0
1170

Gabiley (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo wali ku gudda jira safarkiisii shaqo ee uu ku marayey Gobolada Dalka gaar ahaan kuwa galbeed, ayaa xadhiga ka jaray xarunta kaydka biyaha Macaan ee ugu wayn magaalada Gabiley.

Wax ugu horayn halkaa ka hadlay cuqaal, Maayirka magaalada Gabiley, Wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta Biyaha, Agaasimaha Guud ee Biyaha  iyo Badhaabka gobolka Gabiley.

Waxaanay dhammaantood ka warameen muhiimada biyuhu u leeyihiin aadamaha iyo wax weyna ka taridoonaan guud ahaan gobolka Gabiley.

Madaxweynaha qaranka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay sida xukuumadiisu diyaarka ugu tahay u adeegida bulshada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa booqday oo kormeeray xarunta xisbiga kulmiye ku leeyahay magaalada gabiley waxaanu halkaa kulamo kula qaatay masuuliyinta Xisbiga iyadoo halkaa lagu lafo-guray dardadrgailnta hawlaha xisbiga Kulmiye.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here