Madaxweyne Biixi oo xadhigga ka jaray dugsiga farsamada Gacanta Hargeysa

0
1030

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dugsiga farsamada gacanta Hargeysa (Hargeisa Technical Institute) oo dib u dhis, casriyeyn iyo dib u habayn ballaadhan lagu sameeyey.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayar ku xigeenka Caasimada, hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu dugsigan u leeyahay waxbarashada iyo helitaanka xirfado kaalin muuqata ka geysan kara sidii dhallinyarada dalka loogu samayn lahaa shaqo abuur muuqda.

Ugu horrayn, wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa si qoto dheer uga warramay dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa iyo doorka uu ka qaadan doono shaqo abuurka iyo kor u qaadista xirfadaha dhallinyaradu u baahan tahay.

Wasiir Buuxane, ayaa hoosta ka xarriiqay in qaranku u jihaystay xoojinta waxbarashada dhinaca xirfadda iyo farsamada, xukuumadduna diyaarisay siyaasaddii arrintaas lagu maamuli lahaa.

“Waxaynu u jihaysannay wakhtigii waxbarashadeenna dhinaca farsamada aynnu u weecan lahayn, waayo dunida kale siyaasaddooda waxbarashada waxa ku jirta in 75% loo diro waxbarashada farsamada gacanta, waana naga diyaar siyaasaddii waxbarashada ee dalku.” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey dugsigan cusub ee farsamada gacanta ee Hargeysa oo uu ku tilmaamay mid baahi badan loo qabay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey inuu dhammaystirmo dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa, waxana uu ku dheeraaday taariikhda dadkii ka baxay iyo sida ay u noqdeen dadka ugu haldoorsan ee noloshooda libinta ka gaadhay.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay dhammaystirka dugsigan, waxana uu sheegay in la gaadhay wakhtigii loo wada jihaysan lahaa dhinaca barashada farsamada gacanta.

“Markaynu nahay ummad dhan oo wada xisaabiye (Accountant) ah, ummad dhan oo wada ganacsi (Business) baratay waxay ila tahay inaynaan suuq u haynin, taasina waxay ina tusaysaa muhiimadda ay leedahay inaynu dadkeenna dhinaca farsamada iyo xirfadda u jihaynno.” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhismahan ee loo bineeyey dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa, ayaa ka kooban 32 fasal oo midkiiba ay wax ku dhigan karaan ugu yaraan 40 Arday, lix Hool oo cilmiga makaanikada lagu baranayo, goob soolar iyo laba beeraha yar yar ee casriga ah (Green houses) oo waaxda dhinaca beeruhu aqoontooda ku korodhsadaan, wax soo saarna u noqonaysa dugsiga, waxana ku baxday lacag lagu qiyaasay 2.4 Milyan oo lacagta Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here